Sign in to follow this  
Deeq A.

Askarigii dilay ganacsade Cabdullaahi Daahir Aadan oo dagaal lagu soo qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Booliska gobolka Mudug, qeybtiisa Puntland ayaa maanta shaaciyey inay gacanta kusoo dhigeen nin Askari ahaa oo magaalada Gaalkacyo ku toogtay ganacsade lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Daahir Aadan.

Ka hor inta aysan gacanta kusoo dhigin ciidamada booliska ayaa waxay iska caabin xoogan kala kulmeen ninkaasi, midaasi oo sababtay dhimashada labo qof iyo tirada dhaawac kale.

Taliyaha booliska ee gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire oo maanta warbaahinta maxaliga ah la hadlay ayaa xaqiijiyey inay gacanta kusoo dhigeen ninkaasi ka tirsan ciidamada, kadib dagaal kooban oo dhex-maray.

Sidoo kale waxa uu taliyuhu sheegay in ninkaasi laga soo qabtay deegaan lagu magacaabo Shakaal oo ka tirsan degmada Jariban ee gobolka Mudug.

Ninkan ayaa waxa la horgeyn doonaa maxkamadda, si cadaalada loogu waafajiyo dilka uu u geystay ganacsade Cabdullaahi Daahir, sida uu sheegay Taliyuhu.

The post Askarigii dilay ganacsade Cabdullaahi Daahir Aadan oo dagaal lagu soo qabtay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this