Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo eedeyn u jeedisay maamulka gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   
kgs.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inay la filaan ku noqotay, markii maamulka gobolka Banaadir uu tartanka kubbadda cagta ee degmooyinka gobolkaas ku soo darsaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka dhallinyarad iyo cayaaradaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Abba Awow Sheekh Suufi oo warbaahinta la hadlay ayaa arrintaas ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo marnaba uusan aqabi karin maamulka uu ka tirsan yahay.

Wasiir Abba wuxuu sheegay in Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose wax laga weydiin karo oo kaliya maamulka Koonfur Galbeed, maadaama dalku yahay federaal.

Dhowr jeer oo hore ayaa Koonfur Galbeed Soomaaliya sheegtay in degmada Afgooye uu faragelin ku hayo maamulka gobolka Baaandir oo ay deris yihiin.

Degmada Afgooye ayaa ah degmo muhiima oo dakhli badan ka soo galo maamulka Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST

The post Koonfur Galbeed oo eedeyn u jeedisay maamulka gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this