Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo maanta ridday xukun adag

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Xasan Cali Nuure Shuute ayaa maanta ku dhawaaqay go’aanka ka dambeysta ah ee xukunka lagu riday Farxaan Maxamuud Xasan oo lagu soo eedeeyey inuu si hoose ula shaqeeynayey Al-Shabaab, isaga oo ku sugan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Farxaan ayey maxkamaddu sheegtay inuu kamid ahaa fura-hayeyaasha xabsiyada sida gaarka ah ay u maamulaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey Farxaan inuu wax ka baabulay weerarkii xooganaa ee ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig Mareykanka uu ku leeyahay dalka Kenya ee Manda Bay.

Guddoomiye Shuute ayaa shaaciyey in eedeysanaha uu horey iskuugu soo dhiibay ciidamada dowladda, hayeeshee uu markii dambe bilaabay in uu si hoose ula shaqeeyo dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana ay maxkamaddu ku ridday xukun xabsi daa’in ah.

Go’aankan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida uu ku sugan yahay magaalada Beled-Xaawo oo u tegay howlaha shaqo, kadib markii ay dhowaan magaaladaasi ku wada dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this