Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe oo kulan gaar ah yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-7.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Labada Madaxweyne ayaa sida la sheegayo Kulanooda uga hadlay Xiriirka iyo Iskaashiga labada Dowlad Goboleed iyo sidoo kale Xaaladda Siyaasadda Soomaaliya gaar ahaanna Arrimaha Doorashada.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale horay ula kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kaas oo ay ka wada-hadleen wada-shaqaynta iyo xiriirka labada Maamul iyo sidoo kale Arrimaha Doorashada.

PUNTLAND POST

The post Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this