Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe iyo Qoor Qoor oo kulan ku yeeshay Muqdisho+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Qoor Qoor ayaa waxaa looga hadlay wada-tashiyada ka socda Muqdisho iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray doorka ay ka qaadan karaan xal u helista arrimaha doorashooyinka 2020/2021.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho ka socday kulamo siyaasadeed oo gooni-gooni ah, kuwaas oo u dhexeeyay madax goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda.

119182814_3301807136522958_7239649312771868167_nAxmed-Madoobe-iyo-Axmed-Qoor-Qoor-696x464

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this