Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (A/Madoobe).

Kulan gaar ah oo labada hoggaamiye dhex-maray ayaa waxaa diiradda lagu saaray wada-tashiyada socda iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale si gaar ah u falan-qeeyey doorka ay ka qaadan karaan in xal mideysan laga gaaro doorashada soo socota ee 2020/2021.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isku soo qaaday arrimo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya Galmudug iyo Jubbaland.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayaa magaalada Muqdisho u jooga ka qeyb-galka shirka wada-tashiga ee madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyad.

Maalmihii u dambeeyey waxaa gudaha caasimada ka dhacayey kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeyey madaxda goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadeed, waxaana dhammaantood looga hadlayey xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

119182814_3301807136522958_7239649312771Axmed-Madoobe-iyo-Axmed-Qoor-Qoor-696x46

 

 

The post Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this