Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo kulan gaar ah la yeeshay saddex Madaxweyne goboleed + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka socday dowladda Mareykanka ayaa kulamo gaar-gaar ah saacadihii la soo dhaafay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho kula qaatay hoggaamoyeyaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulamada oo ka dhacay xarunta Xalane, gaar ahaan dhismaha safaaradda Mareykanka ayaa waxaa ka qeyb galay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto, taliyaha Howlgalada gaarka ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jen. Anderson iyo taliye ku xigeenka taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Amb. Young.

Intooda badan waxaa kulamada uu Mareykanka la qaatay Siciid Deni, Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta Gareen diirada lagu saaray ammaanka iyo dagaalka A-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulamada lagu soo qaaday iskaashi xoog leh oo dhex mara taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika iyo saddexdan dowlad goboleed, si meel looga soo wada-jeesto dagaalka adag ee lagula jiro dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sidoo kae lagu sheegay in muhiimadda kulamadaasi ay ahaayeen adkeynta xiriirkaa dhinacyadaasi, si loo laba jibaaro howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageero dowladda federaalka, wuxuuna howlgallo dhanka ah cirka ah ka fuliyaa gudaha Soomaaliya.

africom2.jpeg africom3-696x464-1.jpeg africom..jpeg

 

 

The post Mareykanka oo kulan gaar ah la yeeshay saddex Madaxweyne goboleed + Sawirro first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this