Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Mudug oo qabtay askari Gaalkacyo ku dilay ganacsade

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa qabtay askari dhawaan Gaalkacyo dilka ka geystay oo fakaday.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire ayaa Puntland Post u sheegay in ninka dilka geysay oo maalmahan la daba-joogay galabta lagu qabtay degaanka Shakaal oo dhanka Waqooyi bari ka xiga degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

  • FB_IMG_16001819262738951.jpg?resize=714%Muumin Cabdi Shire, Taliyaha Qaybta Booliska Mudug

Askariga oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Puntland ayaa 11-kii bishan September Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, ku dilay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Daahir Aadan.

Sidoo kale waxaa xiligaas labo oo shacab ah ku dhinteen rasaas ay isweydaarsadeen askariga dilka geystay iyo ciidamada booliska oo doonayay inay qabtaan.

Askariga dilla geystay oo tan iyo xiligaas ka maqnaa gacanta dowladda ayaa ugu dambeyn galabta lagu guuleystay in la qabto.

PUNTLAND POST

The post Booliska Mudug oo qabtay askari Gaalkacyo ku dilay ganacsade appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this