Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO Oo Khadka Taleefanka Kula Xidhiidhay Raysal Wasaaraha Dalka Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula xidhiidhay raysal wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk, iyagoo ka wada hadlay xaaladaha labada wadan, gaar ahaan fatahaadaha Suudaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay shacabka iyo dowladda Suudaan khasaaraha ka dhashay fataahadaha ku dhuftay dalkaas kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Raysal wasaare Cabdalla Xamdook ayaa uga mahadceliyey madaxweyne Farmaajo sida uu ula qaybsaday dhibaatadooda, isagoo sheegay in muwaadiniinta Suudaan ee ku dhaqan Soomaaliya laga dhaafay kharashaadka deganaanshaha iyo wixii ganaaxyo ah ee la xidhiidha.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliya in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda dalka Suudan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this