Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Oo Digniin Culus U Dirtay Baxreyn Iyo Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Dowladda Iiraan ayaa soo saartay digniin adag oo ku socoto Baxreyn iyo Iimaaraadka, kadib markii ay ku dhawaaqeen xidhiidh toos ah oo ay la yeelanayaan yuhuuda Israa’iil.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iiraan ayaa ugu horreyntii si weyn u cambaareysay xidhiidhka Baxreyn ay la yeelaneyso Israa’iil, taasi oo lagu tilmaamay sharaf dhac weyn oo diiwaanka u galeysa hoggaanka Baxreyn.

Iiraan ayaa ku hanjabtay in Imaaraadka iyo Baxreyn ay qaadi doonaan mas’uuliyada cawaaqib xumada ka dhalata xidhiidhkaasi iyo weliba saameynta amni ee ka dhalan karta, gaar ahaan mida Khaliijka.

Sidoo kale madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani ayaa ka dhawaajiyey inay gobolka ka socdaan shirqoolo ay iska kaashanayaa maleegistooda Mareykanka iyo Isra’iil, taasi oo ayna marnaba aqbali doonin xukuumadoodu.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay in xukuumadoodu ay u taagan tahay ka midho-dhalinta xasiloonida gobolka iyo weliba xaqiijinta amnigiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ruuxaani ayaa hoosta ka xariiqay in cadaadiska Mareykanka ee ku aadan xidhiidhka Isra’iil uu gobolka u horseedi doono daan-daansi badheedh ah iyo xasilooni-darro ay yuhuudu ku abuurto ammaanka guud.

Hadalkan kulul ayaa imanaya xili ay soo baxeyso in Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu safar ugu ambabaxayo Washington si uu uga qeyb galo xaflada saxeexa heshiisyadii ay la galeen Imaaraadka iyo Baxreyn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this