Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo Joojisay Mashaariic Ay Somaliland Ka Wadday Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Badhan)-Maamulka gobolleedka Puntland ayaa ka hor yimid mashruuc biya galin ah oo laga hirgalin lahaa Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Biya galinta ayaa waxaa wadday xukuumadda Somaliland, waxaana ay doonayeen in ay biyo-gelin iyo ceel riig ah ka howl galiso degmada Badhan, balse waxaa arrintaas ka hor yimid Maamulka gobolleedka Puntland.

Maamulka Degmada ayaa sheegay in  sababta ay u joojisay mashaariicdaasi ay tahay in ayna waafaqsanayn sharciga degmada, sidoo kale waxa Puntalnd ay joojisay Mashruuc kale oo Somaliland ay ka wadday  deegaanka Qorof oo hostaga isla Badhan, waxaana mashruucaasi uu ahaa biyo galin ah.

Puntland ayaa faro-gelin xagga dhulka ah ku haysa Somaliland, gaar ahaan degmooyin ka tirsan Gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana tiro dhowr jeer ah ka dhacay degaanadaas dagaalo uu dhiig badani ku daatay.

Xukuumadda Somaliland, maamulk gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan wali kama hadlin tallaabadan ay Puntland ku hor-istaagtay hirgelinta mashaariicdan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this