Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha Oo Somaliland Ka Caawinaya Horumarinta Beeraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Haayada horumarinta wax soo saarka Afrika (African agricultural development group) ayaa Somaliland ka fulinaysa mashruuc horumarinta beeraha ah.

Shirkadan oo laga leeyahay dalka China ayaa mashruuc horumarinta wax soo saarka ah ka fulinaysa banka Wajaale ee gobolka Gabiley.
Iyadoo la qorsheeyay in ay wejiga hore tijaabo ahaan wax ka beerayaan dhul baaxadiisu dhan tahay 2000 hegter.


Waxaanay shaqaale ahaan u qaadanayaan 200 qof oo shaqaale ah.
Sida uu sheegay wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, kadib kormeer wefti uu hogaaminayaa ay ku tegeen banka Wajaale.

Waxaana wasiir Seed, kormeerkaasi ku wehelinayay badhasaabka gobolka Gabiley C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, iyo masuuliyiin ka socday haayadda Africa agricultural development group.

Halkan ka DAAWO Warkaasi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this