Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Dowladda Hoose Ee Muqdisho City Club Oo Safar U Ah Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club ayaa safar u ah magaalada Garowe ee maamulka Puntland waxayna halkaas ku yeelan doonaan kulamo saaxiibtinimo ay u qorsheeyeen Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland,Muqdisho City waa kooxda haysata horyaalka Somalia Premier League 2019-2020.

117337181_3087095458034796_8908355394486

Muqdisho City Club waa kooxdii labaad oo ka dhisan Muqdisho oo is dhaxgalka bulsho u aaday deegaanada Puntland waxaana horay sanadii 2005 sidan oo kale samaysay naadiga Elman Sports Club.

Sequence-75.00_12_17_14.Still003-1024x76

“Waan ku faraxsanahay imaantinka kooxda Muqdisho City Club,waxaan rajayaynaa in ay aad ugu helidoonaan safarkooda is dhaxgalka waa talaabo horomar u ah isboortiga dalka” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Mustaf Cabdiraxmaan Majacase oo ah xoghayaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland.

81888992_108012690734329_769213555781979

Xidigaha Muqdisho City Club waxa ay ciyaar xiiso badan la dheelidoonaan naadiga Horseed oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ee Puntland waxaana talabadaan loo arkaa mid guul u ah labada dhinac.

117130274_3090391747705167_4777589648121

“Way mahadsanyihiin Xiriirka iyo madaxda naadiga Horseed ee Puntland sida wanaagsan ee ay noo casuumeen waxayna tani noo noqonaysaa wada shaqeyn iyo isku soo dhawaasha labada dhinac ah” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Cabdiqaadir Xaaji Dacar oo ah la taliyaha maamulka isboortiga Gobolka Banaadir kana tirsan madaxda kooxda Dowladda hoose ee Muqdisho City Club.

117242139_2652467304992012_4570071994256

Daawo Xoghayaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland Oo Faah Faahiyay Safarka MCC

Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this