Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kala duwan oo ka soo baxaya qarax ka dhacay gobolka Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta ee gobolka Bakool.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa si gaar ah uga dhacay wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Ceel Barde iyo Qurac-Joome.

Wararka ayaa sheegaya in miinadaas ay la kacday mooto ay la socdeen dad shacab ah, gaar ahaan wadaado u socday Quraan saar, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku dhintay 7 wadaad, iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale oo saarnaa mootada.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba-gal ah oo qaraxyo loo adeegsado ku qaada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, walow aysan weli ka hadlin qaraxaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this