Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari ay leeyihiin ciidanka Booliiska oo caruur ku jiiray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Shangaani  kadib markii uu Caruur jiiray gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska Somalia.

Gaariga oo ahaa nooca dagaalka, gaar ahaan Cabdi-Bile ah ayaa ku socday xawaare sare wuxuuna jiiray Caruur yar-yar oo xilligaas ka yimid iskuul waxbarasho.

Ugu yaraan hal cunug ayaa ku geeriyooday shilkaasi, halka Caruur kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo muddo kooban xiray dhaq-dhaqaaqa halkaasi.

Inta badan gaadiidka ay saaran yihiin mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo Askarta ayaa waxaa waddooyinka magaalada Muqdisho loogu wadaa si xawaare sare ah, waxaana mararka qaarkood ay baabuurtaasi galaan shilal geysta Khasaare kala duwan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this