Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Soomaaliya oo war cusub ka soo saaray Kiiska Xamdi Maxamed Faarax

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in ciidanka Booloiska ay weli waddaan baaritaano ku aadan falkii lagula dilay, laguna kufsaday marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa sidoo kale sheegay in shalay ay gacanta ku dhigeen illaa 11 qof oo falkaasi lagu eedeeyey, kuwaas oo ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay ku raad-joogaan shaqsiyaad kale oo falka lagu eedeeyay oo baxsad ka ah laamaha amniga Sooimaaliya.

Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo sanadkan ka qalin-jebisay dugsiga sare ayaa kufsi iyo dil loogu geystay xaafadda Maaj, degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this