Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo war ka soo saartay shirka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka socda magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxaa looga dalbaday madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qeyb qaataan wadahadallada, si xal mideysan loo gaaro.

Halkan hoose ka aqriso:-

Saaxiibada Caalamka waxay soo dhoweynayaan dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Dowlad Gogoleedyo ee Xubnaha ka ah Federaalka (DGXF). Saaxiibada [daneeya arrimaha Soomaaliya] waxay Madaxwene Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha DGXF ku bogaadinayaan ka-qaybgalka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho.

Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo. Saaxiibadu waxay rajeynayaan in saamilayda siyaasadeed ee kale ee Soomaaliyeed ee muhiimka ah sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba.

Saaxiibada caalamku waxay ka codsanayaan madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa siwadajir ah u soo saaray dalalka kala ah: Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain, Denmark, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Masar, Midowga Yurub, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkey, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this