Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Ka Qeyb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Suldaan Cismaan Cali kooshin Oo Maanta Dalka La Keenay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb galay Aas qaran oo loo sameeyey Alle how naxariistee Suldaan guud Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Magaalada Hargeysa, Aaskan loo Sameeyey Alle haw naxariistee Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin waxaa kasoo qeyb-galay bulshada qeybaheeda kala duwan, oo ay ka mi ahaayeen badi Madaxda dhaqanka, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Haldoor iyo aqoonyahan, kuwaasi oo dhammaantood ba tacsi u diray Suldaanka guud Marxuum Suldaan Cismaan suldaan Cali Kooshin waxaana ay ka marag kaceen dhamaantood inuu ahaa Suldaan Samo-talis ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay madasha tacsida ayaa ka sheekeeyey qiimaha uu lahaa Marxuum Suldaan Cismaan suldaan Cali waxaana uu yidhi “Waxaynu joognaa tacsidii Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin, Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, Ilaahay qabriga haw nuuro Ilaahay isaga iyo wixii muslimiin ah ee ka horeeyeyba Jannatul fardowsa ha geeyo, innagana Ilaahay haynooga daba naxariisto,waxaan ka tacsiyadaynayaa dhammaan qaranka Somaliland iyo inta Af-Somaliga ku hadashaba Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo cid waliba inta badan macagiisa maqashay oo aad iyo aad loo garanaayo oo ka dhashay qoys Maal-qabeen ahaa marka hore marka labaadna Suldaan ahaa oo boqortooyo noqday, marka danbena ahaa aqoonyahan la wada ogyahay oo isagoo aqoonyahan ahaa Suldaanimada lagu caleemo saaray oo dhaxalku u keenay”.

Madaxweynaha Qaranka ayaa sheegay in qofka yaqaanay Suldaan Cismaan uu ku yaqaanay aqoon iyo dhaqan gobeed “Qofkastoo yaqaanay wuxuu ku yaqaanay aqoon, edeb, dhaqan gobeed iyo isagoo ninka ay isbartaana aanu ka xiiso goyn, maantay ajashiisii dhammaatay, Ilaahay waxaan uga rajaynaynaa inuu qoyskii uu ka baxay iyo halkiisii uu cawil kheyr qaba uu dhigo, inankiisii baa jooga oo isuguna halkii Suldaanka ka qaaday Suldaan Cali Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo inala jooga maanta, isagana waxaan ugu ducaynaynaa Idankii inuu ka dhigo raas balaadhan oo barwaaqo ah oo tallo iyo adduunba halkii kasii wada Saldanadii reer Cali Kooshin, dalka iyo dadkaba Alle haynoo barakeeyo”.

119514546_3248668105247020_4787508157611 119514546_3248668495246981_4100266632666 119547536_3248668048580359_1484015014062 119561512_3248668341913663_8197476407348 119636839_3248668001913697_4874914193197

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this