Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulanka Golaha Shacabka oo goor dhow ka furmay Villa Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

kulanka guud ee xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaw ka furmay xarunta ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Kulanka maanta waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyadoo ay wehliyaan gudoomiye ku xigeenka 1-aad mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey iyo ku xigeenka 2-aad Mudane Mahad Cabdalle Cawad .

Ajandaha kulan ayaa kala ah ah akhrinta kowaad ee hinidse sharciyeedka dhowrista maalgashiga iyo maalgashadaha.oo ay soo diyaarisay wasaaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay akhrinta kowaad marsiinayaan hashiiska arrimaha udhaxeeya turkiya iyo soomaaliya.

Kulanka golaha shacabka maanta waxaa soo xaadiray141 xildhibaan kaasi oo ah kulanka 26-aad Kalfadhiga 7-aad ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this