Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin fal ka geystay magaalada Dhuusamareeb oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidanka Booliiska magaalada Dhuusamareeb ayaa faah faahin ka bixiyay fal dhaawac oo xalay gudaha magaaladaas loogu geystay nin shacab a,h kana mid ah dadka muruq maalka ah ee ku nool halkaasi

Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb Nuur Cilmi Maxamed ayaa sheegay in nin ku hubeysan toorey uu fal dhaawac ah u geystay  Maxamed Saciid Xaashi oo muruq maal ah, kadib markii uu soo kala dhex-galay muran la xiriira lacag.

Nuur Cilmi ayaa sheegay in markii hore uu baxsaday ninka dhaawaca gaystay, hase’yeeshee ciidanka amniga howlgal ay sameeyeen lagu soo qabtay ninkaas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this