Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo xalay dil ka geystay magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay ku soo warramayaan in dabley hubysan ay xalay magaaladaasi ku dileen nin aad looga yaqaanay gudaha Beledweyne, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo Shabelle u warramay ayaa waxaa ay sheegeen in kooxo hubeysan ay ninkaasi hoygiisa oo ku yaalla xaafadda Howl-Wadaag ee magaalada Beledweyne ku weerareen, waxaana magaciisa lagu sheegay Xuseen Dhurwaa, kaas oo ay is rasaaseyn kooban dhex-martay isaga iyo Kooxda hubeysan ee dilka u geysatay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ninkaasi la dilay, waxaana wararka ay sheegayaan in uu ka mid ahaa hoggaamiyaasha Kooxda Macawiisleyda ee dagaalka kula jiro Al-Shabaab. halka kuwa kalena ay sheegayaan in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in is rasaaseynta dhex-martay kooxda hubeysan iyo ninka la dilay uu dhaawac kasoo gaaray dhowr qof oo ay ku jiraan Hooyo iyo Gabadheeda, kuwaas oo la geeyay Isbtaalka guud ee magaalada.

Beledweyne ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ku soo kordhay falal amni darro, iyada oo lagu dilay mas’uuliyiin iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda & kuwa Hir-Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this