Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay gobollada Baay & J/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Baay waxaa ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab, kaasi oo u qaabilsanaa magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee gobolkaasi.

Howlgalka oo ka dhacay meel qiyaas ahaantii 45 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ayaa lagu dilay Ibraahim Macalin Cabdi, kaasi oo magaciisa is afgarashada lagu sheegay(Ibraahim Geney).

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay 2 qori nuuca AK47 ah iyo Baaskoolado leh 8 qasnadood, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Dhanka kale howlgal qorshaysnaa oo ay ciidanka kumaandooska Danab ay ka sameeyeen gudaha degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa sidoo kale waxa ay ku khaarijiyeen sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa diyaarinta qaraxyada iyo afar dagaalame kuwaasi oo ku sugnaa  guri ku yaalo degmada Jamaame, sida ay sheegtay DF Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in sarkaalkani oo lagu magacaabo Aadan Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abuu Salmaan) uu ka howl-geli jiray gobolada Jubooyinka, balse ciidanka kumaandooska ay toogasho ku dileen.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this