Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shirka wada-tashiga DF & DG oo goor dhow ka furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goor dhow si rasmi ah u furmay shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada oo looga arrinsayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Shirka oo ka dhacaya xarunta madaxtooyada ayaa waxaa si rasmi ah u daah-furay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka qeyb galaya dhammaan shanta Madaxweyne dowlad goboleed ee dalka iyo guddoomiyaha maamulka G/Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in shirka uu yahay mid ay Albaabada u xiran yihiin, islamarkaana ay dibad joog ka tahay warbaahinta.

Intiisa badan waxaa diirada lagu saarayaa marxaladda kala guurka ah ee uu haatan ku jiro dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/21.

Gabagabada ayaa sidoo kale la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadleen madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

shirka-maamul2-696x464 shirka-maamul. shirka-maamul1.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this