Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya iska hor imaad ka dhacay Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad barqanimadii maanta ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyey ciidamo ka wada-tirsan kuwa daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhacay suuqa Muuri oo ku yaalla agagaarka aargada degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray is-rasaaseynta ay timid, kadib markii askartaasi oo dhowaan la geeyey Wanlaweyn ay isku qabteen lacago canshuur ah.

Ugu yaraan saddex askari ayaa dagaalka ku dhimatay, iyadoona ay ku dhaawacantay haweeney ka mid ah dadka, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Inta badan isku dhacyada ciidamada dhex-dooda ayaa ku soo laa-laabta gudaha dalka, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this