Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-bax looga soo horjeeday dilkii Xamdi oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay dibad-bax looga soo horjeedo dilkii iyo kufsigii loo geystay, marxuumad Xamdi Maxamed Faarax.

Dibad-baxayaasha oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayaa isugu tegay afaafka hore dhismaha dabaqii lagu kufsaday, laguna dilay marxuumadda, iyagoo dab qabad-siiyey.

Sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dalbanayaan cadaalad, si maxkamad loo soo taago raggii ka dambeeyay falkaasi.

Allaha u naxariistee marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd ayaa sanadkan ka qalin-jabisay mid ka mid ah dugsiyada sare ee gobolka Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this