Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo Muqdisho ka furmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Villa.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Shirka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa haatan ka furmay Xarunta Madaxtooyada Muqdisho ee Villa Somalia.

Shirka waxa ka qayb-gelaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxda ayaa Shirkaas uga arrinsanaya, Arrimaha Doorashada soo socota, gaar ahaanna Turxaan-bixinta iyo dhammaystirka Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashada Dalka, kaas oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa doonaya in meesha laga saaro Qodoba kamid ah Heshiiskii Dhuusamareeb 3, halka Madaxweyne Farmaajo iyo Dowlad Goboleedyada taageersan aysan rabin in wax laga beddelo.

PUNTLAND POST

The post Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo Muqdisho ka furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this