Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo fashilisay qaxyo lagu diyaarinayey magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka nabad-sugidda Jubbaland ayaa soo bandhigay bambooyin la sheegay in ay Al-Shabaab ku qariyeen dhul bacaad ah oo ku yaala xaafadda Farjanno ee M/Kismaayo.

Howlgal ay ciidanku fuliyeen ayaa yimid kadib markii dadka deegaanka ay kus oo wargeliyeen ciidamada in walxaha qarxa la geliyey halkaasi.

Saraakiisha ciidanka nabad-sugidda Jubbaland ayaa shacabka uga mahadceliyey sida ay ula shaqeeyaan ciidanka, waxayna ku booriyeen in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Jubbaland ayaa kordhiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this