Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ayaa waxaa saaka laga helayaa dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay, kadib weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen sadhig ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin xaafadda Arbacow ee deegaankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in weerarka kadib uu xigay iska hor imaad toos ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka oo socday muddo kooban ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay ayaa wuxuu ku kooban yahay dhinacyada dagaalamay, lamana oga inta uu gaarsiisan yahay.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolka Sh/Hoose.

The post Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay duleedka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this