Sign in to follow this  
Deeq A.

 Mareykanka oo shaaciyey,Maxkamadna ugu yeedhay 24 Mas’uul oo Wasiiro,Diblomaasiyiin & Saraakiil Sarsare isagu jira oo sacuudiyaana oo loo haysto weerarkii 9/11

Recommended Posts

Deeq A.   
 Mareykanka oo shaaciyey,Maxkamadna ugu yeedhay 24 Mas’uul oo Wasiiro,Diblomaasiyiin & Saraakiil Sarsare isagu jira oo sacuudiyaana oo loo haysto weerarkii 9/11
 saudi.jpg

 Maxkamad federal oo Mareykan ah ayaa u yeedhay 24 sarkaal oo isugu jira saraakiil hore iyo kuwa ka tirsan dowladda Sacuudiga, si wax looga weydiiyo wixii ay ka ogaayeen weeraradii ay Al-Qacida ku qaaday Mareykanka 11-kii September 2001, oo lagu dilay 3,000 oo qof.

Qofka ugu caansan ee maxkamadda looga yeedhay ayaa ah Amiir Bandar Bin Sultan, oo ahaan jiray safiirka Sacuudiga ee Mareykanka.

bandar.jpg

Go’aankan ayaa wax deg deg usoo dhoweeyey qoysaska dhibanayaasha weerarka, oo ku qeexay tallaabo horey loo qaaday oo caddeyn doonta in xubno ka tirsan dowladda Sacuudiga ay wax ka ogaayeen weerarka.

Qoysaska dhibanayaasha ayaa fuliyey baadhitaan madax banaan oo shaaca ka qaaday in laba ka mid ah raggii weerarka fuliyey, Khaled Al-Mihdhar iyo Nawaf Al-Hazmi ay taageero maaliyadeed ka heleen shaqsiyaad ku xidhan dowladda Sacuudiga kadib markii ay yimaadeen Mareykanka.

Sida uu shaaciyey Yahoo News bishii May 2020, dokumentiyo FBI ayaa muujiyey in sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga oo ka shaqeynayey safaaradda Mareykanka ee Washington, kaasi oo kaaliye u ahaa diblomaasi lagu magacaabo Ahmed Al-Jarrah uu si joogto ah xidhiidh ula lahaa laba qof uu si toos ah weerarka gacan uga gaystay.

Mid ka mid ah raggaas waa Fahad Al-Thamiri oo imam ka ahaa masjidka Boqor Fahad ee magaalada Los Angeles, kaasi oo la kulmay qaar ka mid ah raggii weerarka fuliyey.

Ahmed Al-Jarrah oo tan iyo sanaddii tagtay ka shaqeynayey safaaradda Sacuudiga ee Morocco ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ay maxkamadda u yeedhay. Waxaa sidoo kale loo yeedhay Saleh bin Abdulaziz Al-Sheikh oo ahaan jiray wasiirka arirmaha diinta Sacuudiga.

Amarka loogu yeedhay 24-ka qof ayaa loo diray dowladda Sacuudiga, waxayna ku xidhnaan doonta go’aankeeda haddii ay u ogolaaneyso inay maxkamadda ka hor marqaati furaan, taasi oo la rumeysan yahay inaysan dhici doonin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this