Sign in to follow this  
Deeq A.

BF oo akhrinta 2-aad mariyey Hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulanka mudanayaasha golaha oo uu shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa ay mudanayaashu akhrinta 2-aad Marsiiyeen Hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, waxaana qodobada sharcigan fikradahooda ka dhiibtay qaar ka mid mudanayaasha golaha shacabka.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in la is waafajiyo shaqada laanta socdaalka iyo jinsiyadda ee arrimaha dibadda iyo Sharci No 112.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyey ka doodista sharcigan.

Sidoo kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Hindise sharciyeedka Dhowrista maalgashiga iyo maalgashadaha, heshiiska iskaashiga arrimaha waxbarashada oo u dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Heshiiska dhismaha aagga ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika, Heshiiska xubinimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee suuqa Iskaashiga Ganacsiga ee Bariga iyo Koonfurta Afrika iyo Hindise sharciyeedka diiwaangelinta sumadaha ganacsiga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this