Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysanayaal loo heysto kufsiga iyo dilkii Xamdi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray dhacdadii argagaxa laheyd ee kufsiga iyo dilka loogu geystay gabar dhawaan ka qalin jabisay marxaladda dugsiga sare.

Sida wararka qaar ay sheegayaan gabadhaan ayaa kufsi wadareed loo geystay ka hor inta aan dabaq laga soo tuurin, waxaana ka hadlay afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaas oo sheegay iney baaritaano ku aadan falkaasi bilaabeen.

Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Ciidanka Booliska gacanta ku dhigeen afar qof oo lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen falkaasi dhacay, isla markaana ay baaritaan ku socoto.

Afhayeenka wuxuu sheegay in afar qofood ay u hayaan kufsiga iyo dilka gabadha loo geystay, isal markaana ay socoto baaritaanno ay rajeynayaan iney natiijo kasoo baxdo, si ay bulsahda ula wadaagaan wixii kasoo baxa.

Gabadha dhibaatada loo geystay waxaa magaceeda lagu sheegay Xamdi Maxamed Faarax, waxeyna ku nooleed dagmada Dayniile gaar ahaan xaafada Raadeerka.

Saakay ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho, ehalada gabadhaan oo qaarkood la hadlay saxaafadda gudaha waxey dalbanayaan iney cadaalad u helaan.

The post Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysanayaal loo heysto kufsiga iyo dilkii Xamdi first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this