Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Rag ku eedaysan in ay dhac u gaysteen Shirkad Ganacsi oo Maxkamad la soo taagay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Derejada Kowaad ee Gobolka Nugaal, ayaa Maanta oo Sabtiya dhegaysatay Gar-maqalka dacwad ka dhan ah sagaal nin, oo ku eedaysan in ay dhac iyo xatooyo u gaysteen Shirkadda SAAFI Gaas ee Magaalada Garoowe.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in sagaalka eedaysane iyo hal eedaysane oo maqan ay dhac iyo xatooyo u gaysteen qaar kamid ah Haamaha Cuntada lagu karsado ee Shirkadda SAAFI Gaas.

Sagaalka eedaysane oo dhankooda ka hor-hadlay Maxkamadda, ayaa dhammaantood beeniyay in ay wax dhac iyo xatooyo ah u gaysteen Shirkadda SAAFI Gaas.

Dhinaca kale, Wakiil ka socday Shirkadda oo lagu magacaabo Maxamuud Nuur Siciid ayaa isna halkaasi ka sheegay in eedaysanayaasha qaarkood ay hore hay’adaha Baarista ugu qirteen  dambiga loo haysto.

Ugu dambayntii, Maxkamadda Derejada Kowaad ee Gobolka Nugaal, ayaa dib u dhigtay ka go’aan gaarista kiiska loo haysto sagaalka eedaysane ee Maxkamadda la hor-keenay iyo hal eedaysane oo maqan.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Rag ku eedaysan in ay dhac u gaysteen Shirkad Ganacsi oo Maxkamad la soo taagay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this