Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor iyo Yamamoto oo kulmay xilli uu Maanta baaqday Shirkii DF iyo Maamul Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa magaalada Muqdishu kula kulmay Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Dowladda Maraynkanka Danjire Donald Yamamoto.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimaha Galmudug iyo xaaladda guud dalka ayagoo si gaar ahna uga wada hadlay Arrimo la xiriira Doorashooyinka 2020-2021 iyo Dhammeystirka heshiiskii Dhuusmareeb 3 .

Safiirka Mareykanka ayaa ka mahadceliyay kulanka Madaxweynaha GM, asagoona ku ammaanay Galmudugta cusub waxyaabihii u qabsoomay muddadii koobneed iyo doorkii ay ka qaadatay taabagelinta shirarkii Dhusamareb 1,2 & 3.

Ugu danbeyntii kulanka ayaa kusoo dhamaaday si guul ah ayadoona is afgarad laga gaaray dhamaan qodobadii laga wada hadlay.

Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli uu Maanta baaqday kulankii ay ku ballansanaayeen Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe kaasoo  looga arrinsan lahaa arrimaha doorashada 2020/2021.

Shirkaan oo 2 jeer horay u baaqday ayey aheyd inuu furmo maanta si loo ambaqaado natiijadii shirkii Dhuusamareeb 3 iyo wax kabedelkiisa.

The post Qoor Qoor iyo Yamamoto oo kulmay xilli uu Maanta baaqday Shirkii DF iyo Maamul Goboleedyada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this