Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: A/Madoobe oo amar siiyey hay’adaha ammaanka Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay sarakiisha Hay’adaha Amniga ee Jubba-land,iyadoo uu Madaxweynahu faray inay keenan baaritaannada dhacdooyinka dhinaca amniga ah oo ay ugu dambaysay qaraxii shalay Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale faray ciidamada nabad sugidda iyo booliska inay dardar galiyaan hawlgallada sugidda nabadgalyada muwaadiniinta, isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa dhanka kale  sarakiisha ciidanka Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa degmooyinka Kismaayo iyo Af-madow, isagoo amaanay ciidamada ammaanka howl-galladaasi milatari.

Qaraxii shalay oo dadkii ku dhintay uu ka mid ahaa Gudoomiyihii rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabbi Kaahin ayaa haatan waxaa Kismaayo ka socda qabanqaabada aaskiisa.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

b2e63632-b36b-4550-ada0-636d4c834153 5879b893-2837-4ef4-b284-9f83277dbd42 119040400_2016997325100863_6469744616921586923_n 119382186_2016997715100824_7662817605093648572_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this