Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Askari ka tirsan ciidanka ammaanka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku dilay saddex qof oo shacab ah kadibna baxsaday, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur Yare.

Askariga oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin Maxamed Maxamuud ayna darajadiisa ciidan ay tahay kormeere saddexaad, ayaa marka hore dilay nin ganacsade ah, kadibna rasaas uu furay isagoo booliska ka cararay ayaa waxaa ku dhintay labo qof oo shacab ah iyo dhaawaca qof kale.

Labadan qof ee dhintay iyo qofka dhaawaca ah ayay rasaastu ugu tagtay iyagoo la socday gaadiidka dadweynaha.

Ugu dambeyn gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ciidamo u direen si ay usoo qabtaan gacan ku dhiiglaha, si cadaalada loo horkeeno.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this