Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Axmed Madoobe oo ka qeyb-galay aaska marxuum Shaafi Raabi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay Aaska Alle ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.

Labada Madaxweyne ku xigeen, Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale ka qaybgalay Aaska Marxuum Shaafi Raabi Kaahin.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay goobta Aaska ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada qayb-qaato sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab, isagoo sheegay in qof masaajid ilahay ka soo baxay in la dilo ay tahay mid uu Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynahu intaas ku daray in shacabka iyo masuuliyiinta ay u Siman yihiin Al-Shabaab isagoo Tusaale usoo qaatay goob ay dadweyne ku shaahayeen Magaalada Muqdisho oo maalmo kahor uu isku qarxiyay naftii halige ah.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa shacabka reer Jubaland iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

3b42a1c3-08f5-43b8-bb94-495927593c34.jpg 65757b42-5ed4-4c7f-864c-63f7746929c0.jpg d28d158c-c6f5-45cd-8dc5-bd1b0b4501fa.jpg a9a40d59-6fa1-4b5e-8716-da15a556feab.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this