Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Axmed Madoobe oo amar deg-deg ah bixiyey, kadib qaraxii Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay Kismaayo ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha amniga ee maamulkaasi.

Axmed Madoobe ayaa amar deg-deg ah siiyey hay’adaha amaanka ee maamulka Jubbaland, isagoo faray inay keenaan baaritaanada dhacdooyinka dhinaca amniga ah oo uu ugu dambeeyey qaraxii shalay ka dhacay Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale amray saraakiisha ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliiska Kismaayo inay xoojiyaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga.

Sidoo kale wuxuu saraakiisha hay’adaha ammaanka ka dhageystay warixino la xiriira  howlgallada ka socda wadada xiriira magaalooyinka Kismaayo iyo iyo Af-madow.

Waxaa kale oo uu ku ammaanay ciidamada huwanta dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab looga saarayo gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Kismaayo oo daganeyd maalmihii u dambeeyey ayaa shalay gashay xaalad adag, kadib qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay gudaha magaaladaasi, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa Allaha u naxariistee gudoomiyihii rugta ganacsiga Jubaland Marxuum Shaafi Raabbi Kaahin.

b2e63632-b36b-4550-ada0-636d4c834153.jpg 5879b893-2837-4ef4-b284-9f83277dbd42.jpg 119040400_2016997325100863_6469744616921 119382186_2016997715100824_7662817605093

The post Sawirro: Axmed Madoobe oo amar deg-deg ah bixiyey, kadib qaraxii Kismaayo first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this