Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay caqabada markale dib u dhigtay shirka wada-tashiga Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo saaka lagu waday inuu ka furmo magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa markale dib u dhacay, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ballantu aheyd inuu furmo Khamiistii la soo dhaafay, balse uu baaqay kadib waxaa Villa Soomaaliya ay shaacisay inuu bilaaban doono shirka 12-ka bisha Septemeber oo maanta ku beegan, hadane uu dib uga dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in dib dhacan uu sababay safarada deg-dega ah ee ay galeen Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo shalay si deg-deg ah uga amba-baxay magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa u duulay Kismaayo, kadib qarax ka dhacay magaaladaasi, halka Qoor Qoor uu u dhoofay dalka Kenya, isaga oo kula kulmay saraakiil Imaaraati ah.

Caqabadaha hor-gudban shirka ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysanayey, waxaana wei is mari-waa uu u dhexeeyaa dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland.

Shirweynahan oo daba socda shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa waxaa diirada lagu saari doonaan dhameystirka heshiiskii lagu gaaray magaaladaasi iyo arrimaha doorashada.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah weli mid cakiran, waxaana haatan socda kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan dhinacyada siyaasadda, kuwaas oo ka socda Muqdisho.

The post Maxay tahay caqabada markale dib u dhigtay shirka wada-tashiga Muqdisho? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this