Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax is-miidaamin ah oo goor dhow ka dhacay magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa waxaa jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha magaaladaasi oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka saldhigga Booliska magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaan goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this