Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo Salaadda Jimcaha, kadib ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay banaanka Masjidka Jaamac Qadiim, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in goobta uu qaraxu ka dhacay uu marayey gudddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland, Shaafi Raabi Kaahir , kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Sidoo kale waxaa qaraxan ku dhintay labo qof oo kale, iyadoona ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale oo u badan dad shacab ah.

Ammaanka Kismaayo ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid degan, waxaana baariraano dheeraad ah ka waday ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this