Deeq A. Posted September 11, 2020 Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib laabtay magaalada Ksimaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose. Axmed Madoobe ayaa ka duulay garoonka Aadan Cadde, xilli la filayey in uu ka qeyb galo shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo dhowaan ka furmaya Muqidsho. Safarkiisa ayaa sidoo kale ku soo aadaya, xilli maanta Kismaayo uu ka dhacay qarax lagu dilay gudoomiyihii rugta ganacsiga ee Jubbaland View the full article Share this post Link to post Share on other sites