Sign in to follow this  
Deeq A.

Laamaha amniga oo lagu eedeeyey inay ku fashilmeen amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA, Ismaaciil Daahir Cismaan oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dowladda federaalka ay dheemish ku tilmaamto hoobiyeyaashii xalay lagu garaacay qeybo badan oo ka mid ah Caasimadda.

Ismaaciil ayaa sheegay in taasi ay muujineyso aqoon darrida heysata saraakiisha hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay jirto mas’uuliyad darro aad u weyn iyo habac-sanaan ka dhex-jirta hay’adaha ammaanka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay magaalada Muqdisho laga maqlay dhawaqa tiro hoobiyeyaal ah, kuwaas oo taliska Booliska Soomaaliyeed ku tilmaamay inay ahaayeen dheemish, islamarkaana ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this