Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo lakulmay guddoomiye Mursal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka oo ahaa mid is xog-wareysi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/21.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimaha horumarinta dhaqaalaha Koonfur Galbeed iyo sidii loo hormarin lahaa maamulkaasi.

Guddoomiye Mursal oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimid Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, isaga oo sidoo kale ku boggaadiyey doorka uu ku leeyahay shirka wada-tashiga ee magaalada Muqdisho.

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa hoyga Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS tagay, waxa ay labada mas’uul kawada hadleen Xaalada Siyasadeed ee ka jirta Dalka sida Arimaha Doorashooyinka, Amniga, iyo Dadaalada Hormarineed ee ay ku tilaabsatay Dowlada Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska afhayeenka Golaha Shacabka.

Lafta Gareen oo kulamo ka wada Muqdisho ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this