Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhir lagu daweeyo  Fayraska Covid-19?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhir lagu daweeyo  Fayraska Covid-19?

Artemisia
Artemisia waxaa muddo dheer lagu daweynayay Malaariyada

Bishii April ee sannadkan, dalka Madagascar ayaa soo jiitay indhaha caalamka ka dib markii uu shaaciyay in dhir maxalli ah uu kula tacaali doono Fayraska Korona.

Madaxweynaha waddankaasi, Andry Rajoelina, ayaa shacabkiisa u ammaanay cabitaan ka sameysan dhirta loo yaqaan Artemisia.

Illaa hadda ma jirto caddeyn muujinaysa in dhirtaasi – oo qeyb ahaan lagula tacaalo cudurka Malaariyada – ay wax ka tari karto fayraska Covid-19, sida ay shaacisay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Hadaba maxaa laga ogyahay dhirtaasi?

Dhirta Artemisia ayaa asal ahaan ka timid qaaradda Aasiya, waxaana hadda ay ka baxdaa caalamka oo dhan gaar ahaan deegaannada kuleylka iyo qoraxda leh.

Dadka Shiinaha ee xanuunnada ku daweeya dawo dhireedka ayaa muddo 2,000 oo sano ka badan ku dabiibi jiray cuduro ay duumada ama malaariyada ka mid tahay, waxayna sidoo kale u isticmaali jireen xanuun baabi’iye iyo qandho jebin.

Shiinaha waxaa dawo dhireedkan looga yaqaan “qinghao.”

Artemisia wax ma ka tari kartaa Covid-19?

Madaxweynaha Madagacscar, Rajoelina, ayaa bishii April ee sannadkan sheegay in tijaabooyin la sameeyay ay muujiyeen in dawo dhireedka laga sameeyo Artemisia ay waxtar u leedahay bukaannada Covid-19. Sheegashadaasi ayuu markale ku celiyay bishan September.

Balse ma jirto caddeyn si shaac-baxsan u muujinaysa arrinkaasi.

Sidoo kale lama oga waxyaabaha laga sameeyay cabitaanka ay soo saartay Madagascar, inkastoo dowladda dalkaasi ay sheegtay in 60″% ay tahay dhirta Artemisia oo la farsameeyay.

Dalkaasi ayaa sidoo kale billaabay soo saaridda kaabsool iyo dawo kale oo la isku duri karo, kuwaas oo hadda maraya heer tijaabo ah.

Andry Rajoelina
Madaxweynaha Madagascar, Andry Rajoelina, ayaa sheegay in sharoobada ay waxtar leedahay

Khubaro ka socota Jarmalka iyo Denmark ayaa tijaabo ku sameeyay dhecaanka dhirta Artemisia, waxayna sheegeen in ay ku arkeen in xoogaa waxtar ay u leedahay noocyada cusub ee Fayraska Korona. Waxay arrintaas ku ogaadeen tijaabo shaybaar.

Cilmibaarista – oo aanay si madaxbannaan u hubin khubaro kale – ayaa muujinaysa in isticmaalka dheecaanka ay muujisay ka hortagga Fayraska, marka lagu daray maadada ethonal-ka oo saafi ah iyo biyo la miiray.

 

Khubarada ayaa kala ka shaqeynaya Jaamacadda Kentucky, sidii mustaqbalka dawo dhireedka loogu tijaabin lahaa bani’aadanka.

Shiinaha ayaa dhankiisa wado tijaabo u gaar ah oo ku aadan dawo dhireedka laga sameeyo artemisia Annua.

Khubarada Koonfur Afrika ayaa dhankooda tijaabooyiin sheybaar ku sameeyay dhirta Artemisia Annua iyo nooca kale oo loo garanayo Artemisia Afra, si ay u xaqiijiyaan faa’iidada ay u leeyihiin Covid-19. Balse illaa iyo hadda ma jirto wax natiijo ah oo ka soo baxay tijaabooyinkaasi.

Maxay WHO ka tiri artemisia?

Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegtay in aanay weli macluumaad faahfaahsan ka helin tijaabooyiinka lagu sameeyay Madagascar.

,
,

Jean-Baptiste Nikiema oo katirsan WHO qeybta Afrika ayaa BBC-da u sheegay in hay’adda caafimaadka ay ka qeyb qaadan karto tijaabooyinka dambe, balse ay taasi ku xiran tahay macluumaadka ay ka helaan tijaabooyinkii hore.

Haddase, WHO waxay sheegaysaa in aanay jirin caddeyn muujinaysa in dawo dhireedka laga sameeyo Artemisia ay wax ka tari karto Covid-19.

Khatarta ay ku keeni karto Malaariyada

Maadaama dhirta Artemisia Annua laga sameeyo dawada cudurka Malaariyada, waxaa jiro walaac ah in haddii si aan la xakameyn loo isticmaalo ay xoojin karto difaaca ilma-qabata malaariyada.

Waxaa jiro dalal ku yaal Koonfur-Bari Aasiya oo durbadiiba lagu arkay inuu yaraaday waxtarka ay dawada Artemisia u leedahay cudurka Malaariyada.

WHO ayaa hadda ka digaysa isticmaalka dawo dhireedka artemisia ee aan lagu farsameyn warshadaha dawooyinka, iyadoo ka cabsi qabta in taasi ay horseedo in ay la qabsato ilma-qabatada Malaariyada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this