Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war ka soo saartay dhawaqa hoobiyeyaal laga maqlay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa baaritaan ku haya qaraxyo la sheegay in Dheemis ahaayeen, oo caawa laga maqlay degmooyin dhawr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali ayaa warbaahinta u sheegay in abaare 8:20pm waqtiga Muqdisho ay Al-Shabaab si dhuumaalaysi ah ku tuureen ilaa 4-qarax oo ka samaysan baaruud Dheemish ah oo aan gaysan wax khasaare ah.

Sidoo lale wuxuu sheegay inay baaritaan ku hayaan kooxda abuurtay cabsi galinta, islamarkaana Boolisku ay qaadayaan tallaabooyin amniga lagu xoojinayo.

Degmada Boondheere ayey ku soo dhaceen qaraxyadaasi Dheemishka, waxaana Boolisku saxaafadda ugu yeeray inay tusiyaan cadaymaha muujinaya in qaraxyadu ahaayeen kuwa aan rasmi ahayn.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this