Sign in to follow this  
Deeq A.

Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 10/09/2020, dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiirka baxay bahda dhaqanka Somaliland, iyadoo sanadkii 1968 lagu caleemo saaray magaalada Berbera, markii uu geeriyooday aabihii Suldaan Xaaji Cali Kooshin oo ay ka soo wareegtay muddo 52 sannadood ah oo uu hayey masuuliyada suldanada guud, waxaana lagu xasuusan doonaa marxuumka in aanu mudadaa lagu dhex arag arrimaha siyaasadda oo aanu ku milmin.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this