Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan hordhac ah oo ka dhacay Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15997492730365638.jpg?resize=720%

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulankan qado sharafeedka ah oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa hordhac u ahaa shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Dhuusamareeb-3.

FB_IMG_15997493073882799.jpg?resize=720%

Shirka Muqdisho oo maanta dib u dhacay ayaa lagu wadaa inuu furmo maalinta sabtida ah oo ku beegan 12-ka bishan September.

Madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ilaa galabta ku sugan xarunta Villa Somalia, iyadoo madaxdu ay si gaar gaar ah isku wareysanayso.

Shirka Muqdisho ayaa laga sugayaa heshiis lagu mideysan yahay oo laga gaaro hannaanka doorashada dalka ee 2020/202.

PUNTLAND POST


The post Kulan hordhac ah oo ka dhacay Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this