Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaanka Xisbiga Qaranka Oo Shir Ka Yeeshay Shuruudaha Lagu Soo Xulayo Musharrixiinta Golaha Wakiilada Iyo Golayaasha Deegaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka Sep 2020-ka, waxaa Shir isugu yimid Guddida wada-hadalka Xisbiyada Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI oo ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Kuxigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Saylic, Eng Faysal Cali Waraabe, & Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

 Ujeedada Kulanka Xisbiyada Qaranka JSL waxa ay ahayd sii loo sii ambaqaadi lahaa howlaha dardargelinta ee Doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka ee dhawaan dhici doonta.

 Saddexda Xisbi Qaran waxa ay saaka dood ka yeesheen sidii ay Xisbiyadu u soo wada saari lahaayeen Shuruudo isku mid ah (Criteria) oo lagu soo xuli doono Musharrixiinta Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka iyada oo la tixraacayo Xeerarka Doorashooyinka iyo Xeer-hoosaadyada Xisbiyada.

ALLAA MAHAD LEH

  • IMG-20200910-WA0007.jpg
  • IMG-20200910-WA0003.jpg
  • IMG-20200910-WA0004.jpg
  • IMG-20200910-WA0007-1.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this