Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax barqanimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaayad ku taalla bartamaha magaalada, taas oo ay ku sugnaayeen askar iyo dad shacab ah.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo qaraxa kadib sameeyey baaritaano kooban.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa qaraxyada ceykan oo kale ah ka fuliya gudaha Soomaaliya, iyaga oo inta badan bartilmaameedsada ciidamada dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this