Deeq A. Posted September 10, 2020 Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo haatan ku sugan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa si adag uga hadlay dagaalkii dhowaan ka dhacay gudaha degmadaasi, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn sheegay in nasiib darro ay tahay in lagu kor dagaalamo dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan ciidamadii ku dagaalamay Beled-Xaawo, islamarkaana ay hadda socdaan baaritaano dheeraad ah. Inta badan ciidamada dowladda dhex-dooda ayaa dagaalama, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka shacabka ee lagu kor dirarayo, taas oo siyaabo kala duwan uga dhacday meelo badan oo ka mid ah dalka, sida magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites